ANIGOO AH qoraa
​xasan kaafi xaji ahemd
(xasan jaceyl )​
​waxan halkan kaso jedinaya geraar yar oo ku saabsan caashaqa
(S)Sahal maahan caashaqa hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhaxdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaane hadba si kugu soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa furiin maxaa ka dhigay?.

(S)Suuban waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan kuugu tiriyaa Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida Sidii sabi dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa Sadax iyo toban sano Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu siyaadoo Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo Sanka iga duleelshoo Suudiyo cadceedkulul Saynabeey i,dhigayoo Maanta aan lasoognahay Hadba dhinac ii,sida,oo Marba,aan lasarakici Naftu way siloontoo Samir qaadan waysoo

(S)Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

(S)Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa'inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.

(x) xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u xiisaye xaalkiis war iga sii. 
Aadamaha uu Allah keenay aduunyada wuxuu mid walba leeyahay maskax uu ku fekero kuna sheegto wax walba oo la weydiiyo sida uu u arko, illaahayna wuu sheegay in rayiga dadka iyo waxa quluubtooda ku jiraa aanay isku mid ahayn balse waxaa jira dad badan oo aduunka korkiisa ku nool misana ay fikradahoodu isu soo dhawaanayaan marka loo eego shaygii markaas laga wada xaajoonayey.

Sidoo kale waxaa jira wax yaabo badan oo inta laysku raacay loo sameeyey xeerar iyo qaynuuno loo raaco.

Hadaba allah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu aduunkaa korkiise keenay dabeecado badna oo aad ku kala duwan kuwaas oo tusaale ahaan ay ka mid yihiin caafimaadka.xanuunka, taajirnimada, faqiirnimada, quruxda foolxumada iyo wax walba oo lidi isku ah iskana soo hore jeeda sida habeenka iyo maalinta, sidoo kale allah wuxuu dabeecada wax walba oo nool ku abuuray necayb iyo jacayl wuxuuna binu aadanka ugu deeqay allah nimacadiisa caqli ay wax ku kala gartaan kuna doortaan wax walba oo ay rabaan.

Ma jiro qof odhan Kara dareenka jacaylku aduunka korkiisa ma yaalo sababta oo ah qof walba oo caqli taam ah lehi waa garan karaa in uu jacaylku yahay wax jira qofka binu aadanka ahana uu soo maro laakiin waxaa lagu kala duwan yahay aragtiyaha laga aaminsan yahay.

Sida maalmuhu u kala duwan yihiin ayaa jacaylka dadkuna u kala duwan yihiin oo aanay marnaba isku mid u noqoneyn tusaale ahaan waxaad arkaysaa laba xumaan isku jecel, laba qof oo hal qof wax jecel yahay ka kalena uu niyada u dhisayo, laba qof oo midkood hanti iyo wax la mid ah loo jecelaaday, laba qof oo markay kulmaana is jecel marka kalena suuqooda kala gelaya, iyo jacaylka dhabta ah oo marka hore qof ku dhaca kuna daneebaya qofka kale heer ay wax walba oo aduunka dhibtaala isu soo maraan.

Ma jiraan xeerar loo sameeyey jacaylka waayo jacaylku isaga ayaaba kediso ah oo aan kula tashaneyn marka uu kugu dhacaayo balse wuxuu leeyhay astaamo aad u faro badan oo lagu dareemi karo laguna garan karo.

Waxaa jacaylka dhalin kara ama uu ka abuurmi karaa amaanta badan ee qof la amaano qaderinta badan ee qof la qaderiyo ka fekerida badan ee qof laga fekero wuxuuna yeelan karaa xili uu jacaylku ku koro qalbiga qofka binu aadanka ah, waxaase sanadahan danbe aad u soo badanaya jacaylka metelaada ah iyada oo la moodo in xishoodkii iyo jacaylkiiba ay metelaad galeen, dhanka dumarka waxay aad eeda u saarayaan raga sidaa si la mid ah raguna waxay eeda saaraan dumarka iyaga oo ku eedeeya in ay been badan yihiin oo qiimaha jacaylka aanay garaneyn.

Waxaan hubaal ah in nolol ahaan, jacayl ahaan iyo dhaqan ahaanba dadkii hore ee soomaaliyeed ay aad uga wanaagsanaayeen jiilka hada kacay walow uu xiligii hore jacaylku ahaa mid cidhiidhi aad ah ku jiray oo la qiimeyn jiray in gabadha la doonto xoolana laga bixiyo oo dookha labadeeda waalid lagu bixiyo misna waxaa la soo xaqiijiyey in ay taasi wanaagsaneyd waayo illaa hada dadkii hore ma jirin qof wacad ama balan fura basle jiilkan danbe iyaga oo nasiib u helay in ay dookhooda raadsadaan ayey misan waxay nasiib u yeelan waayeen in ay helaan qalbi nadiif ah taasina waa ayaan daro.

Hore ayaa loo yidhi qof walba tusbax qumane ah ayaa qoorta loo sudhay jacaylkuna jacayl ma noqonayo inta dumarkuna eed sheeganayaan raguna eed sheeganayaan balse waxaa wanaagsan in aan isku dayno in aan meel si wada jir ah u dhigno khilaafka dhalinta soomaaliyeed marka laga hadlayo xiriirka guur ama haasaawe dhex yimaada badanaa ianga oo si wada jir ah maskaxdeena u kaashaneyna furna doona dood aan kaga hadlano oo aan ku soo bandhigno sibuucyada danbe dadka markaasi la odhan karo Maskaxdooda ayaa fiyoow ama la odhan karo hogaan umadeed waa geli karaan?





wixi oraha oo aad qabtan        
fadlan ku soo hagaajiya!!!!!!!!!     
facebook.com/xasanjaceyl       
ama tel +4915210282223       

qeeb ugu horeysa ee boga waxan kaga hadli doona jaceylka maxuu yahay isaga horta Qorayaal fara badan ayaa isku dayay in ay wax ka tilmaamaan jacaylka, qaar kale waxay u kuur galeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayen micnaha uu leeyahay jacaylku, qaar kale waxay isku hawleen sidii ay faahfaahin buuxda uga bixin lahaayeen jacaylka, laakin annigu waxaa muuqata in aan la kali noqday baadhistayda cilmiyeed.

Kalmada LOVE waxaa loo soo gaabiyay sidan; L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end the live).
Kalmadahaas oo macnahoodu yahay, (farax la,aan), (badda murugada), (dooxada quruntay), (dhamaadka nolosha).

Hadaba kalmada LOVE oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl: J (jahwareer) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab) L (luul).

Waa Maxay Jacayl? Runtii waa su,aal ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah.
Balse aan isku dayo inaan ka war bixiyo jawaabtaas, maadama aan anigu isku galay mawduucan adag.

Markaynu dib u raacno dhacdooyinka iyo sooyaalka waayaha, run ahaantii waxaynu odhan karnaa ummadaha adduunka ku dhaqan hadii aynu weydiino waa maxay jacaylku? Shaki kuma jiro afkay doonaanba ha ku hadleene, inay wax inooga sheegi karaane, Soomaali ahaan inagu maxaynu ku tilmaami karnaa jacaylka?!! Markase la soo hadal qaado markiiba maxaa maskaxdeena ku soo dhaca?!! Sidee ayaanu ruux kastaba u arkaa?!!! Maxaase lagu gartaa qof kuu asiibo?!!!.

Hadaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta su'aalahan, ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee jacaylku wuu jiraa, waxaanan ku sharxi karaa waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana JACAYLKI waa hanasho waa jamasho waa hilow, waana ruuxay naftu tebayso, hadh iyo habeena ay ku hamido.

Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo jeerna qofka wax jeceli afkaasi kama dhigo ruuxuu jecel yahay, mar arrintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartey hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kaloo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!!!!.

Philosoph ( waa cilmi saynis la xidhiidha aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka micnaha nolosha ) iyo Diinta Islaamkuba waxyaabo badan ayeey ka yidhaahdeen jacaylka, diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha ahaadaane, jacaylka isku si looma qeexo badana.

Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona.

Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogadaa, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jirkaada. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba.

Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan. Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaruu leeyahay jaceyl.

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa nooma baahna ee anagaa ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo iyo Qays Cilmi iyo Hodan Juuliya iyo Romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin .

Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iyagu ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm.

Waxaan filaya in aynaan soo koobi karayn macnaha buuxda ee uu leeyahay Jacaylku. Balse aan isku dayay in aan Laba kalmadood oo kaliyah ka idhaahdo jacaylka.


Dadka ku xeel dheer arrimaha bulshada ee wadanka United Kingdom waxay u qeexeen Jacaylka sidan;

Love is feeling cold in the back of vans / Love is a fanclub with only two fans
Love is walking holding paintstained hands
Love is Fish and chips on winter nights / Love is blankets full of strange delights
Love is when you don,t put out the lights
Love is the presents in christmas shops / Llove is when you are feeling top of the pops
Love is what happens when the music stops
Love is white paints lying all forlorn / Love is a pink nightdress still slight warm
Love is when you have to leave at dawn
Love is you an love is me Love is a prison and love is free
Love´s what´s there when you ´re away for me



​1. waa maxay jacayl?

2. maxaad ka taqaanaa micnaha jacayl ?

3. ma dareemi kartaa jacayl dhab ah?

4.waa maxay guur maxayse ku kaladuwan yihiin jacayl iyo guur

kala soco Qaybta su'aalaha ku saabsan jacayla ?

5:nabsigu ma yahay wax jira?

6: jacaylka aduunka korkiisa yaala ee u wanaagsan ayaad is odhan lahayd ?

7:ma kula tahay in jacyalku yahay dhalanteed aan waxba ka jirin ?

8:dareenkaagu sidee noqdaa marka qofka aad jeceshahay agtaagan tahay ama aad la hadlaysid ?

9:jacayl god ma loo galaa ?

10:ma kula tahay labada qof ii laysa siiyaa in ay ka wanaagsan yihiin kuwa jacyalk soo barbaarshay ?

11: jacaylka iyo calafka kee aaminsan tahay ?

12:weligaa wax ma jecelaatay hadii aad jeclaatayna sidee dareenkaagu noqday?

13:maxaad talo qaadan lahayd qofka ku jecel hadii aanu kuu soo jeedin qalbigiisuna kaa janjeedho?

14: sidee u aragtaa dadka isku meesha ku soo koray ee jacaylku dhex maro ma mid wanaagsan mise mid xun ?

15:ma jecalaan lahayd in uu jacayl kugu dhaco mise in aanku ku haleelin ayaad doorbidi lahayd?

14: jacayl amaan ma ka madhan yahay mise amaanta meelna kama soo galo?

15:qof jacayl naftiisa u huray ma jiraa hadii uu jirana ma aragtay adigu?

16:ma doonaysaa daawada jacaylku leeyahay ?

17: ma aaminsantahay in midabada ubaxyadu midba jacyal iyo dareen gaar ah turjuma
NIN UU CAASHAQ DHIBAY

1. Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye
2. Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane
3. Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi'ine
4. Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye
5. Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa'e
6. Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne
7. Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye
8. Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe
9. Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye
10. Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye
11. Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye
12. Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire
13. Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne
14. Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye
15. Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye
16. Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada'e
17. Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye
18. Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye
19. Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye
20. Waxbase yaan calaacalin rag waa kii calool adage
21. Middii cudurkan igu beertay baa ii cadaawa ahe
22. Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye
23. Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine
24. Haweenna way ka cararaan nimaan caysh u fidinayne
25. Hadba kii cashada siiya bay wada caweeyaane
26. Caqli iyo garaadkoodu waa calal nadiifaade
27. Haddii uu cirfiid yahay midkii cuud le bow taline
28. Cadaabtii Ilaah iyo nabsiga kama cabsoodaane
29. Cilmi baan ogayn jeer in ay caaska geliyeene
30. Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye
31. Inuu caashaq naageed dilaan cidina moogayne
32. Aniga halkaan caawa aal ciribla' weeyaane
33. Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe
34. Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara'e
35. Cisraa'iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro'e
36. Teer iyo carruurnimo middaan daba cataabaayey
37. Haddii ay i caawini lahayd cudur ma jiifeene
38. Cidlada iyo jirradu waa darteed caawa aan qabo'e
39. Ninkii caashaq naageed qabow, xiro calooshaada!

ma ogtahay akhrisaaw in jacaylku uu ka bilaabmo aragti kun dhamaado guur xalaal ah runtii arnitani ma ah mid dadak muar ku abuuraysa waana mid soo jiri jirtay oo weiligeed la arki jiray hadii se ay adiga tahay mid kugu cusub waxay kugu reebaysa xasuus iyo in aad mudo badan ka fekertid oo aad is tidhaahdid ma dhabaa mise waa dhalan teed waxan laguu sheegayo ee laugu leeyahay taasi se waa mid dhab ah oo waad barn doontaa marka aad xidhiidh gaar ha la sameysid webset kan ku takhasusay daaweynta iyo soo bandhigida arimaha jacaylka iyada oo aan idinak haqab tiri doono doodaha iyo fariimaha aad ka dhiibaneysaan arimaha jacaylka.

websetkani waa mid u madax banaan qof walba oo ku hadla afka soomaaliga in uu ku soo darsado firkadaha uu ka aaminsan yahay jacaylka isaga oo noogu soo gubinaya ciwaanka ama telefoonka kor ku xusun sidoo kale waxaad noo soo gubin kartaan sheekooyin ama qiso dhab ah oo dhacday hadii aad haysaan
an?


xasan kaafi xaaji ahmed 



fikirka bulshada
wixi firkadaada ah xur ayad utahay waad ku soo kordhin karta webka